Ethiopia-(Berberanews)-Weerar dhinaca cirka ah ayaa lagu qaaday xero qaxooti oo ku taal gobolka Tigreega ee ay dagaalladu ka socdaan ee Itoobiya, ayaa lagu dilay saddex Eritrean ah oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Weerarkii Arbacadii lagu qaaday xerada qaxootiga ee Mai Aini, oo u dhaw magaalada koonfurta Tigray ee Mai Tsebri, ayaa lagu dhaawacay afar kale oo qaxooti ah, Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay gelinkii dambe ee Khamiistii.
“Aad ayaan uga xumahay markii aan ogaaday in saddex qaxooti Eriteriyaan ah oo laba ka mid ah ay carruur yihiin la dilay,” ayuu yidhi madaxa hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay Filippo Grandi hadal uu soo saaray, isagoo ku nuux-nuuxsaday in qaxootiga “aanay waligood badhtilmaameed noqon”.
“In kasta oo UNHCR ay sii waddo ururinta iyo xaqiijinta faahfaahinta ku saabsan dhacdooyinka, waxaan ku celinayaa baaqa UNHCR ee dhammaan dhinacyada iska horimaadka ah inay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan qaxootiga,”
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya iyo militariga. Dowladda ayaa horay u beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah.