Ethiopia: 25 qof oo ku dhintay duqayn diyaarad Drone ah

Ethiopia-(Berberanews)-Diyaaraddaha Ethiopia dhawaan heshay ee Drone-ta ah ayaa duqayn aa beegsatay bas yar oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay 25 qof oo rayid ah ayaa ku baf waayay baskaas meel u dhow Magaalada Qaddiimiga ah ee Axum ee Gobolka Tigray.

Dowladda Ethiopia oo dagaal qadhaadh kula jirta Xoogaga TPLF,ayaa Hay’addaha u dooda xuquuqal insaanku waxay ku eedeeyeen tacadiyo ka dhan ah dadka Tigrayga oo isugu jira,xadhig,dil iyo duqayn joogto ah oo aanay u kala aabo yeelin.