Wasiir Koore oo soo bandhigay damaciisa inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, shacabkana taageero ka dalbaday

Hargeysa  -(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay damaciisa ku wajahan inuu Madaxweyne ka noqdo dalka, isagoo shacabkana ka dalbaday inay ku taageeraan hankiisa oo ay kursiga saaraan.
Wasiir Koore waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in niman isku hayb ah ay isku war wareejiyaan xukunka, isla markaana jiraan muwaaddiniin dhammaan madaxda asxaabta siyaasadda Somaliland u arka rag isku wada qoys ah.
“Habar baa boodaysa, habar ayaa imanaysa? Dadka kale muxuu yahay, Somaliland ma habro ayaa leh?
Waxa jooga dalka oo ku nool nin Ina Biixi, Faysal, Cirro iyo Xirsi-ba u arka rag ilmaadeer ah,” ayuu yidhi Wasiirku.
“Askarigii ugu horreeyey iyo maamulkii dalka, hadduu mid la ururiyo yahay iyo hadduu mid booiis yahay raggii ka soo qaybqaatay ayaan ahaa, 17 casho kadib markii SNM soo gashay raggii joogay ayaan ahaa…waar anigu miyaanaan xaq u lahayn in aan yidhaa anna waa markaygii?” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlayey doorkii uu ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo sida uu xaqa ugu leeyahay in uu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dalka ee madaxweynenimada.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa shacabka kala dar daarmay in ay qabiil wax ku doortaan, “Maaha dadka reer Somaliland in ay ku tartamaan qabiil iyo cunfi, waa xigmad ah oo ay leedahay ma jirto taariikhda in qabiil lagu tartamo.”
“Looma baahna Somaliland in ay noqoto Puntland-ta Maxamuud Saleebaan,” ayuu  yidhi wasiir Koore.