Shiinaha oo Ergay Gaar ah u magacaabaya Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha oo booqday Eritrea iyo Kenya

MOMBASA (Berberanews)-Dawladda Shiinaha ayaa shaaca ka qaadday inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u Qaabilsan Horumarinta Nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaanay doonaysaa in ay xoogga saarto si ay uga ganacsato kaabbayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Mr. Wang Yi, ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya oo uu ku tegay Khamiista maanta socdaal la xidhiidha dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu joojinayo dagaalka ka socda Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeya Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Addis Ababa.
Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, colaadda ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajada sii fideysa.
“In la wadaago heshiis siyaasadeed iyo in la isku duwo ficillada, dawladda Shiinaha waxa ay soo magacaabi doontaa ergey gaar ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,” ayuu Wang ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
“Waddamada Geeska Afrika waa inay aayahooda ka tashadaan oo ay shir nabadeed isugu yimaaddaan,” ayuu Wang ku daray.

Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda Gobolka Geeska Afrika waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-shabaab kula dagaallamayaan dawladda taagta daran ee reer galbeedku taageeraan.

Shiinuhu, dhaqan ahaan waxa uu diiradda saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika, marka loo eego siyaasadda iyo diblomaasiyadda, Wang wax tafaasiil dheeraad ah kama bixin doorka ergayga.
Saraakiisha Shiinaha ayaa lix heshiis la saxeexday dhiggooda Kenya, oo uu ku jiro mid u oggolaanaya beeraleyda Kenya inay Shiinaha u dhoofiyaan Avocado cusub.
“Tani waxay Kenya u sahlaysa in ay yarayso isu dheellitirnaanta ganacsi ee kala dhexeeya Shiinaha,” ayey tidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Mrs Rachel Omamo oo u warrantay Reuters.

Berberanews.com
Info@berberanews.com