Maraykanka oo laga xusayo sanadguurrada 1aad ee weerarkii Capitol

Capitol-(Berberanews)-Dadka ku nool Mareykanka ayaa xusaya sanadguuradii koowaad ee weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mareykanka, oo ay ku tilmaameen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Washington, DC, inuu ahaa “weerar aan horay loo arag” oo lagu qaaday dimuqraadiyadda dalka.

Koox taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa xoog ku galay Capitol January 6, 2021, xilli Koongareska uu ka shirayay si loo caddeeyo guushii Joe Biden.

Shan qof ayaa ku dhintay rabshadihii xigay, Trump ayaa markii dambe xilka looga xayuubiyay “hurin kacdoon”, in ka badan 725 qof ayaa tan iyo markaas lagu soo oogay dacwad la xidhiidha isku dayga lagu wiiqayo awoodda wareejinta dimoqraadiga ah.

Munaasabado dhowr ah ayaa la qorsheeyay in lagu qabto caasimadda Mareykanka Khamiista si loo xuso sanad-guurada xuska. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ayaa shacabka kula hadlay xarunta Capitol.

Afhayeenka aqalka Nancy Pelosi iyo hoggaamiyeyaasha kale ee dimuqraadiga ayaa ka qaybgelaya daqiiqad aamusnaan ah sagxada aqalka ka hor inta aanay hogaamin dood ku saabsan rabshadaha oo ay la yeelanayaan taariikhyahannada. Fiidnimada Khamiista ayaa sidoo kale la sameyn doonaa munaasibad duco ah

Berberanews.com
Info@berberanews.com