Ethiopia oo damaanad kusii daysay dad kooban iyo Tacadiyada Tigrayga oo meel xun gaadhay

Addis-Ababa-(Berberanews)- Taliska Booliska Addis Ababa ayaa sheegay in ay sii daayeen qaar ka mid ah shaqsiyaadka la qabtay oo looga shakisan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin ururada argagixisada, oo baadhitaanna lagu hayay “si taxadar leh ayaa loo aqoonsaday oo la sii daayey.”

Bishii November 02-dii ee sannadkii hore, Golaha Wasiirradu waxay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah muddo lix bilood ah, ka dibna waxaa xigay xadhig ballaadhan oo loo geystay boqolaal qof oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ka yimid Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan maxaabiistu waxay ahaayeen Tigree. Novembar 13, Amnesty International waxay sheegtay in qawmiyadda Tigrayga ee Addis Abeba oo ay ku jiraan carruur iyo waayeel lala beegsaday xadhig aan sabab lahayn oo ballaadhan ka dib markii xaalad degdeg ah la soo rogay horraantii Novembar.
“Inta badan maxaabiista waxaa lagu hayaa iyadoon wax dambi ah lagu soo oogin ama aysan helin qareen,” ayay tidhi Amnesty.

“Maxaabiista, oo ay ku jiraan shaqaalaha rayidka ah, wadaadada Ortodokska iyo qareenada ayaa lagu hayaa xarumaha dhalinyarada iyo xarumaha kale ee dadka lagu hayo ee ku yaala Addis Abeba sababtoo ah saldhigyada booliiska ayaa buux dhaafay.”
War qoraal ah oo ay galabta soo saareen Booliska Addis Ababa ayay ku sheegeen in ay sii daynayeen eedaysanayaasha raaligelin ka bixiyay falkii ay ku kaceen, kuwaas oo aan gelin dambiyo waaweyn, oo aan khatar ku ahayn in la sii daayo.
Si kastaba ha ahaatee, Booliska Magaalada ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiyaadka looga shakisan yahay inay xidhiidh toos ah iyo mid dadbanba la leeyihiin “Kooxda argagixisada ah ee TPLF” ay sii wadayaan baadhitaanada iyadoo la raacayo awaamiirtii ka soo baxday amarkii Ku dhawaaqista xaaladda Degdegga ah.
“Kuwa la sii daayay waxaa lagu sii daayay dammaanad ama waxay muujinayaan qoomamo kala duwan, inta kale waa la sii deyn doonaa mustaqbalka.” Ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch 05-tii January 2022 ayaa lagu sheegay in “mas’uuliyiinta Itoobiya ay si sabab la’aan ah u xidheen, si xun ula dhaqmeen, oo ay xoog ku qabteen kumannaan qoomiyadda Tigrayga ah oo dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga, Human Rights Watch ayaa sidaas sheegtay maanta.

HRW waxay ugu baaqday Sacuudi Carabiya inay joojiso “xaaladaha foosha xun ee ay ku hayso Tigray-ga iyo u tarxiilida Itoobiya, taas beddelkeedana ay ka caawiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) inay siiso magangalyo caalami ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com