Somaliland iyo Canada oo ka wada-hadlay xidhiidh Iskaashi oo dhexmara iyo Qadiyadda Aqoonsiga

Hargeysa (BerberaNews)- Jamhuuriyadda Somaliland oo hawlan olole ay dunida kaga raadinayso aqoonsi caalami ah, ayaa dowladda Canada ka dalbatay Aqoonsi iyo taageero dhaqaale, taas oo ay sheegtay inay muhiimad u leedahay waddamada reer galbeed inay taageeraan dimuqraadiyaddeeda oo hortaagan saamaynta Shiinaha ee gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu xusay warbixin ay qortay jariiradda Globe$Mail oo soo xiganaysa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd oo dhawaan socdaal qayb ka ah ololaha aqoonsi-raadinta ku tagay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada iyo sidoo kale wefti ka socda Congress-ka maraykanka oo socdaal ku yimi Somaliland, Dr Ciise Keyd ayaa intii uu socdaalka ku joogay dalka Canada waxa uu kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxaanu u soo bandhigay qadiyadda Somaliland iyo sida ay u kala duwan yihiin dalkiisa iyo waddankii hore laysugu odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, maadaama Canada aanay ka mid ahayn waddamada reer Galbeedka ee xidhiidhka tooska ah la leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Wasiir Ciise Keyd oo ah muwaadin haysta dhalashada dalalka Canada iyo Maraykanka uu masuuliyiinta dalkaas ku qanciyey inay deeqaha iyo taageerooyinka dhaqaale si toos ah ugu soo hagaajiyaan dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo dhinaca kale u soo bandhigay inay dowladda Canada Aqoonsato Somaliland.

“Waxaanu dowladda Canada ka doonaynaa inay samayso is-barbardhig oo cid walba wixii ay qabsatay lagu abaal-mariyo. Soddonkii sanno ee u dambeeyey, waxaanu dunida tusnay inaanu nahay dowlad jirta oo leh xuduudkeeda iyo Ciidamadeeda,” sidaa waxa jariiradda Globe&Mail u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu ku dooday inay Somaliland hesho Qaddar Yar oo ka mid ah Mucaawimooyinka beesha Caalamka ee lagu soo qaado magaca dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

“Boqolkiiba 98 mucaawimooyinka wada qaata Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in Boqolkiiba labada kale soo gaadhaan Somaliland,”sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibaddu u sheegay jariiradda Globe&Mail oo xustay in wasiirku ku dhaliilay in Qaybo ka mid ah Mucaawimooyinkaasi u gacan-galaan Kooxda Al-Shabaab.

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRISATO WARKAN OO FAAHFAAHSAN