Guddoomiye Xirsi muxu kala kulmay Xarunta CID Hargeysa?

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta looga yeeray xarunta Ciidamada dambi baadhista ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu sheegay in su’aalo laga waydiiyay shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.

Wuxuuna tallaabadaan ku tilmaamay Xirsi Xaaji Cali mid hanjabaad ah.

Waana markii ugu horraysay ee guddoomiye xisbi Mucaarad looga yeedho xarumaha laamaha ammaanka Somaliland.