Somalia: Saddex qodob oo ku saabsan Hay’adda NISA iyo saamaynta Madaarka Muqdisho

Muqdisho   -(Berberanews)-Tan iyo markii uu horraantii bishan Wasiirka Amniga Soomaaliya ku amray taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka inay ciidamaddooda ka saaraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho, waxa soo baxayey su’aalo la iska weydiinayo arrimahaas.
Hadal-heynta shacabka Soomaaliya ayaa u badan saameynta Hay’adda NISA ku leedahay Madaarka Xamar iyo waxa ay yihiin shaqooyinka ay ka hayaan.
Marka laga yimaad eedeymaha farogalinta siyaasadda ee sida joogtada ah loogu jeediyo NISA, waxa inta badan la isku raacsan yahay in ay hayaan hawlo sugidda amniga oo muhiim u ah goobaha waaweyn ee dawladda sida Madaarka Muqdisho oo kale.
Haddaba, waxaan halkan ku soo bandhigaynaa saddex qodob oo sharraxaad ka bixinaya su’aalaha ugu waaweyn ee ku gadaaman hay’adda NISA iyo saamaynta ay ku leedahay garoonka Aadan-cadde.
1- Xafiiska NISA ee garoonka:
Sida caadiga ah, dhowr hay’adood oo aanay ku jirin Sirdoonka ayaa shaqo ku leh arrimaha ugu waaweyn ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, kuwaasoo kala ah:
Hay’adda Duulista Hawada
Laanta Socdaalka
Booliska
Laanta Cashuuraha.
Muddo dhowr sanno ahba amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho waxa uu ku tiirsanaa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, taas oo dabcan la xidhiidha duruufaha amniga u gaarka ah ee Soomaaliya oo u baahan wax ka badan hawlaha caadiga ah ee booliska.
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ayaa xafiis ku leh garoonka gudihiisa, kaasoo ujeeddadiisu ay markii ugu horreysay ahayd in loo adeegsado hawlaha amniga ee ay halkaas ka waddo NISA, sida uu qabo Xuseen Macallin oo mar ahaa la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.
Hase yeeshee, warar soo baxay ayaa tibaaxay in saameynta NISA ee garoonku noqotay mid ka tallowsan hawlaha amniga. Arrimahaas ayaa la rumeysan yahay inay ugu dambeyn sabab u noqdeen go’aankii uu wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu amray taliyaha NISA, Yaasiin Cabdillaahi Farey inuu ciidammadiisa gebi ahaanba ka saaro garoonka.
Wasiirka ayaa markii dambe sheegay in amarkaasi aannu khuseyn ciidanka Hay’adda Nabadsugidda ka tirsan ee ilaaliya baraha koontaroolka ee laga galo garoonka.
Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la taliyihii hore ee dhinaca amniga u qaabilsanaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aanay khasab ahayn joogitaanka NISA ee garoonka, amnigiisana ay tahay shaqada booliska balse xafiiskooda uu ahaan karo mid ku yaalla meesha oo qaabilsan shaqooyinkii u cayinnaa sirdoonka.
“NISA xafiis way ku leeyihiin garoonka, xataa haddii ay xilka wareejiyaan xafiis ku lahaanshuhu waa wax meesha ku jiri kara. Waa sax in booliska oo shaqada ku jira ay iyaguna kaabbe u ahaadaan oo ay ka caawiyaan wixii xog ah oo ay hayaan,” ayuu yidhi.

2- Goob gaar ah oo ay ka baxaan madaxda NISA iyo dadka ay iyada ka warhayso:

Dhowr sannadood waxa jiray warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in NISA ay garoonka diyaaradaha ku leeyihiin Terminal ama qayb isticmaal oo iyaga gaar ah, cid kalena aysan u adeegsan gelista iyo bixitaanka.

Balse la taliyihii hore ee amniga u qaabilsanaa madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin waxyaabo si rasmi ah looga warhayo oo ku saabsan arrintaas.

“Waan aragnay Terminal dhisan, laakiin qaabka ay ugu shaqeeyaan waa wax aan wali rasmi ahayn oo shacabka lala wadaagin, haddii ay jirtana wax sax ah ma aha,” ayuu yidhi.

3- Maxay tahay danta ugu jirta NISA inay garoonka joogaan?

Xuseen ayaa sheegay xilli horeba uu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka.

“Mar walba in laga maarmo ayay ahayd. Xilligii aan anigu shaqeynayay waxaan u arkayey sababta ay weli u joogeen inay ahayd go’aan ku xidhnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen.”

Waxa uu carrabka ku dhuftay waxyaabaha ugu muhiimsan ee keeni kara in NISA ay aad u daneyso gacan ku heynta maamulka garoonka Aadan Cabdulle.

“Garoonku waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay. Waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay yimaaddaan.

“Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa madaxweyneyaasha lagu doorto, waa meel dadka siyaasadda isdiiddan kala aaminsan ay ka dhoofaan kana soo dagaan, oo la rabo in lagu cabudhiyo ama lagu fududeysto.

“Waa meel haddii aad yeelato awood aan xad lahayn aad soo degsan karto waxa aad rabto, haddey noqon lahayd waxyaabo sharci darro ah ama lacagaha doorashooyinka iyo wax walba,” ayuu yidhi Xuseen Macallin Maxamuud.

Aragtiyo kala duwan ayaa la hadal hayaa oo ku saabsan danta ay NISA u joogto garoonka, dadka qaarna waxayba farta ku fiiqayaan in ay jiraan sababo siyaasadeed.

Bishii July ee sannadkii 2021-kii, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Cabdillaahi Kulane oo ahaa agaasimihii shaqaalaha NISA, kadib markii siyaasiyiin ay sheegeen in laga celiyay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, waxana dadkaas ka mid ah Cusmaan Nuur Macallimu oo mar ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Waxa jiray warar sheegaya in garoonka la dhigay liis dad aan la doonayn in ay ka dhoofaan garoonka sababo siyaasadeed awgeed.