Dr. Gabboose oo wadnaha sii gooyey xisbiyada

Hargeýsa-(Berberanews)-Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa wadnaha sii gooyay xisbiyada siyaasadda Somaliland.

Dr. Gabboose, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu samaysto urur siyaasadeed kula loollama Xisbiyada tartanka iyi in kale, oo uu ka dhursugayo go’aanka Maxkamadda Sare.

“Wixii ka soo baxa Maxkamadda Sare waxaan soo jeedinayaa in dhan kastaaba ku qanco oo uu aqbalo. Haddii ay dhankaaga u dhici weydo maaha macnaheedu waa lagaa adkaaday ee qarankaa adkaaday weeye.
Wixii intaa dhaafsan waa dhaawac soo gaadhay sumcaddeennii, wada-jirkeennii iyo qaranimadeennii.”
“Dariiq walba oo aan maro (Aqoon-yahanku)  waxay igu leeyihiin dalku wuu kuu baahan yahay ee siyaasada haka bixin , markaa Salaad walba wakhtigeedaa la tukadaaye marka maxkamadu go’aanka ku dhawaaqdo ayaan ana sheegi doonaa inana Urur furanayo iyo inkale “. Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.