Madaxweynaha Somaliland oo kala hadlay Puntland sidii loo joojin lahaa dagaallo ka dhacay xuduudka

Laascaanood  -(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khadka telefoonka kagala hadlay dhiggiisa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md Siciid Cabdillaahi Deni sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen joojinta colaadda dhiigga badan ku daatay ee beelaha walaalaha ku dhexmartay degaannada xuduudka labada dal wadaagaan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood xalay.
Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay degaanka Saax-maygaag ee Gobolka Sool, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 20 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu baaqay in maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland inuu kala shaqeeyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland daminta colaadda, maadaama oo beelaha dagaallamaya midkood ay Puntland deggan tahay.
“Aad iyo aad ayaan uga xumahay qaska iyo qalalaasaha iyo dhimashada joogtada ah ee ka socda degaanka ku dhow degmada Boocame oo ku jirta xuduudda Jamhuuriyadda Somaliland, saacadda iminka aannu hadlayno dawladda Somaliland waxay ugu baaqaysa labada maamulba in arrintaa qalaanqal keeda la afjaro.”
Sidoo kale, wasiirku waxa uu tibaaxay in shacabka deggan dhinaca Somaliland la soo weeraray, isagoo ku baaqay in weerarka la joojiyo.
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in anay dagaalkaas meelna lug kaga lahayn, shacabka ka tirsan Somaliland-na waxaannu qabnaa in meesha lagu soo weeraray, waxaanuna jecelnahay in weerarka laga daayo,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.
Dhinaca kale, Wasiirka Daakhiliga waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu dhiggiisa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md. Siciid Cabdillaahi Deni kala hadlay sidii loo joojin lahaa colaadda khasaaraha badan sababtay ee u dhexaysa beelaha walaalaha ah ee kala deggan laba dal ee deriska ah.
“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Deni way wadahadleen joojinta dagaalka dhiigga badan ku daatay.”
“Waxaannu soo jeedinaynaa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland labada qoloba in aannu ka shaqayno arrinta maamulka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.