Faysal Cali-waraabe oo markale ka qayliyey Xeer 14, hanjabaadna u diray Biixi

Hargeysa  -(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markale si kulul uga soo horjeestay dhaqangalka Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo uu tilmaamay inuu yahay qaran-dumis liddi ku ah distoorka dalka.
Guddoomiye Faysal oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa galabta, waxa uu ku dooday in aanay habboonayn golihii wakiillada ee hore inay meelmariyaan Xeer 14, kaas oo labada xisbi mucaarad si weyn uga qayliyeen.
“Haddii aynu nahay ummad dal iyo dad eegaysa xeerkaasi inuu baarlamaanka soo dhaafo may ahayn, waayo wuxuu ka oo horjeedaa dastuurka, waana qaran dumis,” ayuu yidhi Faysal.
Waxa kale oo uu hadallo dhaliil iyo hanjabaad isagu jira diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey inuu ka baxay ballan ay hore ugu qaaday inuu joojinayo dhaqangalka xeerka furista ururrada siyaasadda, balse uu isbeddelay markii Guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ee WADDANI loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan.
“Madaxweyne Muuse waannu ka wada hadalnay arrinka xeerka furista ururrada siyaasadda bishii April, wuxuuna yidhi bahalka (xeerka) Guurtida ayaan ku joojinayaa, waayo ma aha mid u qalma, oo doorasho toos ah oo axsaab ah wax suurtogal ah maaha. Axsaabta marka la furayo waxa loo tartamaa degaan ama baarlamaan,” ayuu yidhi Faysal.
“Markii lagu soo tukhaantukhiyay, wuxuu yidhi waan celinayaa…shirguddoonka cusub ayuu u soo dhiibay oo yidhi iga celiya anigu gacantayda ku saxeexi maayee. Muuse waxa la yaab leh in markii Xirsi laga dhigay guddoomiyaha Waddani uu wasiirkiisa warfaafinta hadal yidhi.”
Sidoo kale, waxa uu ku hanjabay in aannu Muuse Biixi u aqoonsan doonin madaxweyne haddii loo baahdo.
“Waxa caddaatay inuu Madaxweyne Muuse sharcigii laalay. Dee mar haddii uu sharcigii tuuray annagu distoorka qaranka ayaannu ku wada joognay, annaguna waxaannu kuu sheegaynaa madaxweynenimadaadii waannu ka tashanaynaa,”  ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ay ka muuqatay cadhada uu ka qaaday xeerka furista ururrada siyaasadda oo haatan horyaalla Maxkamadda Sare ee Distooriga ah.