Lionel Messi iyo seddex ciyaaryahan oo kale oo laga helay Covid-19

Ciyaaro-(Berberanews)-Weeraryahanka Paris St Germain Lionel Messi iyo seddex ciyaaryahan oo kale ayaa laga helay COVID-19, kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Faransiiska ayaa sidaas sheegtay.

Daafaca Juan Bernat, Goolhaye Sergio Rico iyo khadka dhexe Nathan Bitumazala ayaa ahaa ciyaartoyda baadhitaabka laga helay Covid.19.

PSG ayaa sheegtay in afarta ciyaaryahan ay ku jireen go’doon ayna hoos yimaadaan borotokool caafimaad oo ku haboon.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina Messi ayaa PSG kaga soo biiray kooxda yaraantiisii ​​ee Barcelona bishii Ogosto, 34 jirkaan ayaa dhaliyay lix gool 16 kulan oo uu u saftay kooxda Paris.

Kooxda Mauricio Pochettino ayaa hogaanka horyaalka Ligue 1 ku haysa 46 dhibcood kadib 19 kulan oo ay ciyaartay,waxana ay 13 dhibcood ka sareeyaan kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Nice.

Waxa lagu wadaa in ay u safraan kooxda heerka saddexaad ee Vannes isniinta si ay u ciyaaraan kulan ka tirsan wareega 32-ka koobka French Cup.
“Tani waa khatarta aan ku nool nahay, marka loo eego heer caalami,” ayuu yidhi Pochettino.
“Kubada cagta, xidhiidhku waa lama huraan, waxaan wadaagnaa qolka labiska. Khatarta wasakheynta ayaa jirta, laakiin waxaan qaadnaa dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan isugu dayno inaan uga hortagno ciyaaryahan inuu qaadsiiyo dadka kale.”

Pochettino ayaa sheegay inaanu hubin haddii Messi, oo haatan ku sugan Argentina, uu ciyaari doono kulankooda soo socda ee horyaalka, kaasoo ka dhici doona Olympique Lyonnais 9-ka January