Golaha Wakiillada Somaliland oo dib ugu celiyey masuuliyiin uu magacaabay Madaxweynuhu

Hargeysa – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda, ayaa dib ugu celiyey madaxweyne Muuse Biixi 14 xubnood oo ka ah 18 masuul oo uu xilal kala duwan u magacaabay saddex bilood iyo badh ka hor.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Md Khaliif Axmed oo fadhigii maanta ee Golaha ka hor akhriyey go’aanka dib u celinta, ayaa sheegay in 14 ka masuul ee madaxweyne Biixi lagu celiyey ay dhaafeen muddadii uu sharcigu siinayey in madaxweynuhu golaha ugu soo gudbiyo, si loo ansixiyo.

“Qodobka 114 ee Dastuurka, faqraddiisa saddexaad waxay u dhigan tahay, masuuliyiinta qaranka ee la magacaabo si kumeel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan 3 bilood ama 90 maalmood, 18kaa mudane 14 ka mid ah waxa la magacaabay 2 bishii 9aad, waxana naloo soo gudbiyay 13 bishii 12aad 2021. Sidaa daraadeed, muddada magacaabidda iyo soo gudbinta waxa u dhexeeyey 103 maalmood.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa mudanayaasha u sheegay in ay dib u celinayaan xubnahan si madaxweynuhu dib ugu soo magacaabo.
“Waxaan idiinku wargalinayaa in 18ka xubnood 14 ka mid ah aan ku celin doonno madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay bishu tahay 2 bisha 1aad, 2022, si uu u soo sameeyo magacaabis waafaqsan xeerka,” ayuu yidhi Guddoomiye Khaliif.

Masuuliyiinta goluhu diiday in uu ansixiyo sababo la xidhiidha muddo dhaaf, ayaa isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo madax hay’ado dawladeed.