Dhul-gariir ku dhuftay dalka China oo khasaare dhaliyay

China-(Berberanews)-Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhaawacantay kadib dhul gariir ku dhuftay koonfur galbeed ee dalka Shiinaha kaas oo sidoo kale ruxay magaalada caanka ah ee loo dalxiis tago ee Lijiang.

Dhulgariirka ayaa gelinkii dambe ee Axaddii ka dhacay xadka u dhexeeya gobollada Yunnan iyo Sichuan, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGS), oo cabirka dhulgariirka ku sheegtay 5.4 iyo qoto dheer 38km (24 miles).

Xarunta Shabakadda Dhulgariirrada ee Shiinaha ayaa markii dambe cabbirka  dhylgariirka ku sheegtay 5.5 iyadoo  dhererkuna ahayd 10km (6.2 mayl).

Xarrunta ayaa 115km (71.5 mayl) u jirta Lijiang ee gobolka Yunnan, sida ay sheegtay USGS.

Maamulka seismological-ka ee gobolka ayaa sheegay in aysan wali jirin warbixino sheegaya burbur soo gaaray guryaha, balse wakaalada wararka ee dowladda ee Xinhua ayaa sheegtay in 60-koox ah oo gurmad iyo samatabbixin ah loo diray goobta.

Dalka Shiinaha waxaa si joogto ah uga dhaca dhulgariirrada, gaar ahaan gobollada buuraleyda ah ee galbeedka iyo koonfur-galbeed.

Bishii Sebtembar, saddex qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii dhul gariir ku dhuftay gobolka Sichuan, tobanaan kun oo gurina ay waxyeelo soo gaadhay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com