Dawladda Itoobiya oo shaacisay sababta ay ciidammadeeda uga joojisay inay galaan Tigray

Addis Ababa-(Berberanews)-Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Demeqe Makonnin, ayaa sheegay go’aanka dawladda ee ku aaddan in aanay ciidammadu gelin Gobolka Tigray looga gol leeyahay in laga fakaro xal aan dagaal ahayn oo lagu furdaamiyo dagaallada muddada sannadka ka badan ka socda dalkaas.
Demeqe oo shir-jaraa’id ku qabtay Addis Ababa maanta, waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya kaalinteeda ka soo baxday, haatanna uu xilku saaran yahay fallaagada TPLF.
Go’aanka dawladda Itoobiya ciidammadeeda ku amartay in aanay degaanka Tigraay gudaha u gelin oo si weyn loo soo dhoweeyey ayey xukuumaddu sheegtay ka faa’iidaysigiisu inuu ku xidhan yahay sida ay fallaagada TPLF u dhaqanto.
Wuxuu carrabka ku dhuftay go’aannada ay Washington ka qaadatay arrimaha Itoobiya inuu yahay mid lagu degdegay, xukuumadda Addis Ababa na aad uga xun tahay.
“Itoobiya waxay Qarammada Midoobay ogeysiineysaa mowqifkeeda ku aaddan Itoobiya inay wax ka beddesho.”
“Dagaalka Itoobiya ka socday in ka badan sannad wuxuu ahaa mid shucuubta dalka mideeyey, isla markaana Addis Ababa ay ku kasbatay saaxiibbo badan oo caalami ah,” ayuu yidhi Wasiir Demeqe Makonnin.