Itoobiya oo ka cadhootay in Mareykanku arrimaha dalkeeda kala hadlo Kenya

Addis Ababa  – Xukuumadda  Itoobiya ayaa ku boorrisay dawladda Mareykanka inay xidhiidh diblomaasiyadeed oo toos ah la samayso Addis Ababa, halkii uu Kenya kala hadli lahaa arrimo khuseeya Itoobiya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mr Dina Mufti, ayaa shir-jaraa’id oo ku qabtay magaalada Addis Ababa maanta waxa uu ku sheegay in xukuumadda Washington iyo waddamada kaleba ay soo dhaweynayaan inay wada-shaqeyn dhinaca diblomaasiyadda la wadaagaan Itoobiya.
“Halkii ay masuuliyiinta Mareykanku arrimaha khuseeya Itoobiya u qaadi lahaayeen meel saddexaad, waxaan ku casuumeynaa USA iyo dalalka kaleba in ay si toos ah noola macaamilaan annaga,” ayuu yidhi Mufti.
“Intaad Uhuru Kenyatta kala hadleysaan arrimaheenna, annaga toos noola hadla,” ayuu sii raaciyey.
Farriinta Afhayeenka dawladda Itoobiya, ayaa muujinaysa sida ay Addis Ababa uga cadhootay tallaabada Mareykanku qaaday oo ay u aragto mid gef ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida dalkeeda.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxay ku guuleysatay inay ilaaliso madaxbannaanida Itoobiya, iyadoo dusha u ridaneysa cadaadiska kaga imaanaya Golaha Amaanka ee Qarammada Midoobay,  isla markaana waxay dhiirrigelineysaa dhaqdhaqaaqyada dalalka Afrika,” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyey xaaladda Itoobiya oo dagaal sokeeye ku jirtay muddo ka badan hal sanno.

Hadalka xukuumadda Addis Ababa ayaa daba socday warar lagu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu kala hadlay madaxweynaha Kenya arrimo ku saabsan xaaladaha ka aloosan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maxay ka wada hadleen Blinken iyo Kenyatta?
Wasiir Antony Blinken ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta khadka telefoonka kula hadlay maalintii Salaasada ee toddobaadkan.

Intii uu socday wadasheekaysigooda, Blinken waxa uu carrabka ku adkeeyey in Mareykanku uu si buuxda u taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mr Ned Price, waxa uu ku sheegay in wadahadalka telefoonka ee madaxweynaha Kenya iyo Wasiirkooda gebi ahaantii lagu gorfeeyey arrimaha amniga gobolka iyo danaha guud oo ay ku jiraan xaaladaha waddamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Dhanka Itoobiya, waxay isku waafaqeen in si degdeg ah loogu baahan yahay xabbad-joojin lagu hakiyo colaadda, fududeynta gargaarka bani’aadannimo, soo afjaridda tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in wadaxaajood lagu xalliyo dagaalka,” ayuu yidhi Price.

“Dhanka Soomaaliya, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha dawladda dhexe iyo kuwa dawlad-goboleedyada Soomaaliya ay si degdeg ah u soo gebogebeeyaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada iyo sidoo kale in laga dhigo mid xor ka ah ficillo sharci-darro ah oo wax u dhimi kara saxnimada natiijada,” ayuu sii raaciyey.

Maamulka Muqdisho ayaan dhankiisa ilaa hadda wax war ah ka soo saarin wadahadalka uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka la yeeshay madaxweynaha Kenya, kaasoo Itoobiya ka jawabatay.

Itoobiya ayaa dhex dabbaalanaysa qalalaase ka dhashay ismariwaa siyaasadeed oo u dhaxeeya dawladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo xisbiga Tigray-ga ee TPLF, halka dalka Soomaaliya ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo uu hore u sii jiray ismaandhaaf jiitamayay oo ay ku kala fogaayeen hoggaamiyeyaasha federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.