Suldaan Daa’uud Sul. Maxamed Sul. Cabdulqaadir oo raalligelin ka bixiyey xaflad siyaasadeed uu ka qaybgalay

Hargeysa (BerberaNews)- Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu faca weyn Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa raalligelin ka bixiyey ka qaybgalka munaasibad lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeed cusub oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa xalay.

Suldaan Daa’uud, ayaa sheegay inuu suldaan u yahay mucaarid iyo muxaafidba, cid kasta oo dhibsatay munaasibaddaas siyaasadeed ee uu tegayna ka raalli gelinayo.

“Waxaan guud ahaan shacbiga Somaliland ka raalli-galinayaa munaasibad xalay lagaga hadlayey arrimo siyaasadeed. Anigu ma ahi nin siyaasad gala, waxaan ahay Suldaankii guud ee Somaliland, munaasibadda xalayna uma tegin siyaasad ee waxaan u tegay duco, cid kasta oo dhib satayna waan ka raalli-galinayaa.

Mucaarid iyo muxaafid labadaba Suldaan ayaan u ahay waxaanan ugu baaqayaa in ay miiska wada hadalka arrintooda ku dhammaystaan,” ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.