Somaliland ku hawlan Qorshe lagu Cidhib-tirayo Cudurka Duumada

Hargeysa (Berbera News)- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in mustaqbalka Somaliland laga cidhibtiro xannuunka Duumada (Keenacada).

Sidoo kale waxa uu xusay in aanay jirin hay’addo ka taageera dhaqaalaha lagula dagaalamayo xannuunka Duumada, balse ay ka wasaaradd ahaan iyagu bixiyaan wixii kharash ah ee ku baxaya la dagaalanka xannuunka Kaneecada.

“Barnaamijka Duumada ama Malaariyadu waxa ay kaga duwan yahay xannuunada kale, in aanay lahayn hay’addo wada oo fuliya, balse fulinta iyo wadisteedaba wasaaradda ayaa leh.

Sidaasi oo ay tahay waa mashruuca wajigii xakameynta ka soo gudbay, hadda xannuunku waxa uu maraya in degmooyinka qaar aynu ka cidhibtirnay, isla markaana degmooyinka barrigu ay u badan yihiin, mustaqbalkana aynu doonayno in degmooyinka galbeedka aynu xooga saarno,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan filayaa in wakhti wakhtiyada ka mid ah aynu xannuunka Kaneecada ka cidhibtiri doono gayigeena,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad ee Somaliland.