Kulankii labaad oo caawa laysugu keenay Golaha deegaanka Burco oo lagu kala kacay

Kulankan oo ay dhexdhexaadinayeen gudoomiyaha G.togdheer maxamed Nafaqo iyo gudoomiye kuxigeenka muxumed Xodey ayaa caawa ka qabsoomay Hotel Maansoor Burco.

Sida ay noo xaqiijyeen ilo xogogaal ahi waxa la isku afgartay kaliya in dib loo furo wadada xaafada kinaal oo kamida qodobadii ay kudoodeeyaan xildhibaanada todobada ahi.

Qaybtii danbe ee kulankaasi ayaa lagu kala kacay kadib markii uu buuq iyo dood adagi dhexmartay qaarkamida xildhibaannada iyo badhasaab kuxigeenka Gobolka Togdheer.

Xigasho ~Xabiib cige.