Somaliya: Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo la saadaaliyey inuu markale galaafto Taliyaha NISA

Muqdisho  -(Berberanews)- Khilaafka cusub ee markale ka dhex qarxay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha maamulka Muqdisho, ayaa la saadaaliyey inuu sahayan doono Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mr. Yaasiin Farey si la mid ah sarkaalkii awoodda badnaa ee uu xafiiska kala wareegay Mr. Fahad Yaasiin.
Khilaafka Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa xiisad hor leh oo siyaasadeed ka dhaliyey Soomaaliya, isaga oo hadda ay u muuqato inuu markale lugaha la galay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Khilaafkan kii ka horreeyey ee labada hoggaamiye, ayaa waxa sal u ahaa kiiska Ikraan Tahaliil oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdonka iyo Nabadsugidda ee Soomaaliya( NISA) oo la sheegay inay dileen NISA.

Ka dib markii khilaafka uu cirka isku sii shareeyey ayaa waxa uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in muddo 48 sacaadood ah u qabtay in Agaasime Fahad Yaasiin uu warbixin degdeg ah oo ku saabsan xaaladda sarkaalad Ikraan Tahliil u soo gudbiyo.

Balse maalin kadib Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo saaray warqad uu shaqada uga joojiyey madaxii hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, wuxuuna xilkaas si ku meel gaadh ah ugu magacaabay Sarreeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).

Hase yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray in shaqadiisa uu sii wato Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuba waxa ay cuskanayaan qodobbo ku dhigan dastuurka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya.

Inkastoo ugu dambeyntii Fahad Yaasin uu madaxweyne Farmajo xil kale u magacaabay, laguna beddela Yaasiin Farey oo hadda isagana wasiirka amnigu ku amray in Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo xidhan uu muddo 48 saacadood ah ku wareejiyo.

Wasiirku wuxuu faray kusimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu si degdeg ah u soo gubdiyo xogta la xidhiidha sababta loo xidhay Mukhtaar Roobow, taas oo aan la ogeyn haddii ay dhammaato muddadaasi tallaabada wasiirku qaadi doono.

Wasiirka wuxuu sheegay in qoyskiisu cabasho ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad, sidaa darteed ay doonayaan inay caddaalad helaan.

In muddo ah waxa arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlayey siyaasiyiin iyo taageerayaal uu lahaa oo ka walaacsanaa xaalkiisa iyo xadhiggiisaba.

Yuusuf Xasan Mursal oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Caddaaladda oo ah xisbiga sida weyn ugu dooda, ayaa waraysi uu siiyey BBC-da waxa uu ku sharraxay sida ay go’aanka wasiirka u arkaan iyo waxa laga filan karo inuu taliyaha NISA ku warbixiyo.

“Annagu reer Koonfur-galbeed ahaan waxaan u aragnaa warqadda uu soo saaray wasiirka amniga ee afduubka Sheekh Mukhtaar Roobow inay tahay mid lala soo daahay oo mar hore loo baahnaa oo in taliska Nabadsugidda wax laga weydiiyo arrinta Roobow oo ay muddo 3 sannadood ah afduub u haysteen, ahaana musharrax madaxweyne.”

Balse waxay dadku isweydinayaan sababta amarka wasiirka ku soo beegay xilligan xaaladda siyaasadeed ee adag taagan tahay?

Amarka wasiirka ayaa soo baxay iyadoo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shalay sheegay in dhammaan taliyeyaasha ciidanku isaga hoos imanayaan, kana amar qaataan.

Xataa dadka qaar ayaa sheegay in amarka wasiirka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay is shabbahaan, iyagoo labada kiisba ku soo beegmay xilli uu jiro xooggan oo u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo.

Waxay BBC-da la xidhiidhay Falanqeeye Daahir Qoryoow oo ka faallooda arrimaha Geeska, gaar ahaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay muuqatay in khilaafkaan uu soo laba kacleeynayo, maaddaamaa ay jireen arrimo badan oo hadlayay doorashada Soomaaliya oo la doonayay inay dhacdo ka hor inta aannu dhammaan sannadkan.

Kusimaha Taliyaha Hay’adda NISA, Yaasin Farey wuxuu ka mid ahaa raggii lagu eedeeyey sida loo waayay Ikraan Tahliil Faarax oo isla hay’addaas ka tirsanayd.

Siyasiyiin iyo xubno ka tirsan qoyska Ikraan ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin “Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey iyo rag kale in ay ku lug leeyihiin in la waayo Ikraan Tahliil.”

Haddaba maxaa xigi kara?

Daahir Qoriyoow ayaa BBC-da u sheegay in labada tallaabo ay u muuqdaan kuwa isku mid ah.

“Inta badan shacabka Soomaaliya iyo dadka siyaasadda indha-indheeya waxa ay la yaabban yihiin waxa isku soo beegay in maanta wasiirka amniga ama xukuumaddu ay ka hadlaan arrinta Mukhtaar Roobow oo intaas u xidhnaa, haddana isla saacadihii kiiskii Ikraan loo qabto, marka waxay u muuqataa in hay’adihii madaxabannaanaa ee Soomaaliya ay siyaasadda ku dhex milan yihiin oo loo adeegsanaya door siyaasadeed ama hadaf siyaaseed oo la gaadhi doono.”

Daahir ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadani tahay shaxda siyaasadeed ee ay ciyaarayso xukuumadda Soomaaliya.

“In hay’adaha madaxabannaan siyaasad loo adeegsado uma fiicna, siiba NISA ama kuwa kale ee dawladda u adeega, gaar ahaan marka uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xasaasi ah gaar ahaan kan hadda aloosan.”

“Waxay ila tahay in xukuumadda raysal wasaaraha iyo wasiirkiisa ay doonayaan in waddadii Fahad Yaasiin ay ku saaraan Yaasiin Farey, hay’adda Nabadsugiddana loo magacaabi doona qof u taageersan raysal wasaaraha waxana fileynaa in tallaabadaasi ay madaxtooyada diidi doonto, waa uun i jiid aan ku jeede waa gacma daalis,” ayuu yidhi Daahir Qoriyow.
Yuusuf Xassan Mursal oo ah afhayeen u hadlay xisbi sheegay in uu ka tirsan yahay Mukhtaar Rooboow, muddo dheerna u ololeynayay ayaa BBC-da u sheegay in uu soo dhoweynayo go’aanka wasiirka, kana war sugayaan natiijada, isaga oo intaas ku daray in muddo seddex sano ah uu caddaalad la’aan u xidhan yahay Mukhtaar Rooboow.

Xildhibaan Yaasii Faray:

Yaasiin Faray ayaa horraantii bishan xildhibaan loogu doortay magaalada Dhuusamareeb, balse musharrixiin la tartamay ayaa sheegay in kursiga loo boobay, iyaga oo dacwad geeyey guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada. Guddigan ayaa markii dambe sheegay in doorashada kursiga Yaasiin tahay ansax.

Tani waa sabab kale oo loo tiirinayo in isku dhaca labada mas’uul ee ugu sarreeya dalka keentay qeyb ahaan, maadaama Ra’isulwasaare Rooble uu kala direy qaar ka mid ah hoggaankii guddiga xallinta khilaafaadka, taasina ay horseedi karto in dib loogu laabto go’aamadii ay gaadheen, oo uu ka mid yahay kursiga Yaasiin Farey.

Farey oo ah taliyaha kumeelgaadhka ah ee NISA, ayaa waxa uu dhanka kale yahay xildhibaan doorran, lamana oga halka khilaafkan cusub ee hadda taagan uu dhigi doono Yaasiin Farey.