Maraykanka oo taageeray Raysal-wasaare Rooble

Somali-(Berberanews)-Dowladda Maraykanka, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo shaqada kaga joojiyay Raysal-wasaare Rooble.

Sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Debedda Afrika u qaabilsan Maraykanka,waxa lagu sheegay in Maraykanku taageersanyahay dedaalkii doorasho ee uu waday Raysal-wasaare Rooble.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Isku dayga joojinta Mohamed Xuseen Rooble waa wax laga naxo, waxaana taageeraynaa dadaalkiisa doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada kicinta ah.” Ayaa lagu yidhi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com