Madaxweyne Biixi oo shaaciyey khasaaraha weerar ciidammada Soomaaliya ku soo qaadeen Somaliland

Hargeysa (Berberanews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in 6 qof oo rayid ah lagu dilay, tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen weerar ay sida wadajir ah ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland ugu soo qaadeen degaanno ka tirsan Gobolka Sool shalay.
Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray Xarunta Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa ee Qaranka Somaliland oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa maanta, waxa uu yidhi; “Shalay waxa jira ciidammo Somaliland ku soo duulay. Ciidan beeleed iyo ciidan Puntland ah ayaa soo weeraray shacabka Somaliland ee deggan Gobolka Sool. 6 qof ayey dileen, 10 dhaawac ahna waxa la keenay cusbitaalka Laascaanood.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu masuuliyadda weerarkaas si wadajir ah ugu eedeeyey maamullada Muqdisho iyo Garoowe ee dalka Soomaaliya.
“Maanta maynaan filayn in Puntland iyo Soomaaliya oo wada socdaa ay Somaliland ciidan u soo diraan, oo shacabkooda abaaraha iyo jilaalka ku jiraa weeraraan, maynaan filayn, waxa laga yeelayana waynu ka tashanaynaa dawlad ahaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.