Diintoodaa islaam ahayd dugsi bay lahaan jireen WQ Yusuf Cumar

Dadka soomaaliyeed waxay daganyihiin bariga afrika, gumaysigaa u qaybiyay 5 qaybood,waxaayna kabadan yihiin qawmiyadaha dagan geeska afrika marka laga reebo oromo.waa dad muslimiin ah oo kuligood nasiib wanaag hadana ah suni haysta mad habta shaaficiyada,sida induniisia,masar,suudaan,yemen iyo dalalkaloo badan.Soomaalidu waa dad leh dhaqan soo jireen ah oo inyar mooyee waafaqsan diinteena islaamka taasina waa nasiib weyn. soomaalidu waa hormuudka qayb libaax ka qaatay fiditaanka diinta islaamku ay ku fiday afrika iyo india. waxay soomaalidu waligeedba ahaa yeen kuwo qabku leh diintooda iyo dhaqankooda oo isku kalsoon diidana noockastoo gumaysi ah iyo quursi.

Wadamada afrika markii gumaysiga masiixiga ah iyo yuhuuda wada socdaa qabsadeen sanadkii 1500 waxay xukunka uga tagaan oo u dhiibeen marka kabaxayeen qaarada 1960 qoox yaroo masiixiyiin ah iyagoo kadhawray xukunka dadka islaamka ah. dalka aan dariska nahay ee Ethiopia waa muslim badankiisu marka laga reebo inyar,hadana intaa yar unbaa xukunka loo dhiibi jiray waligeed ilaahada. soomaaliya waa lagu dhici waayay in gaal loo dhiibo,maxaa yeelay waxaa la ogaa in dadka soomaaliyeed aqbali karin arinkaa.

Wadamada reer galbeedka oo ah caadanka iyo yuhuudkan dhumiyay iyaga oo ku saaxiib ah in lagumaado lana dhaco dhaqaalaha dalalka noocyada kale ee dunida,ayaa waligoodba aad uuga xun soomaalida gaalo laga dhigiwaayay ee ah had iyo jeer muslimiin boqolkiiba boqol. 5 shanbay inoo qaybiyeen inagoo ah dad walaalo ah oo soomaaliyeed isku diin isku af isku isir ah iyagoo aan wax talo ah inaga waydiin arinkaas. hadana dawladii kaliya ee aan lahayn ayay burburiyeen 1991dii.

ujeedkoodu waa maxay? waa laba arimood oo soomaaliya u fiicnayn in ay gaaraan. 1.in ay diinta iyo dhaqankeena tashwiish galiyaan oo lawaayo wax soomaaliya oo u danqada diinta difaaceeda iyo wax soomaaliya oo u danqada dhaqankeena la dhalan rogaayo, waxayna rabaan in soomaalidu sidaa ku galaan cadaabta intay katagaan diintooda saxda ah ee xaqa ah,way ogyihiin kaana badiyaan in diinta islaamku saxtahay xaqna tahay balse madoonayaan,sidaa daraadeed marabaan in aad janogasho!! halkan waxaad ka fahantay in ay rabaan in aakhiradii muhiimka ahayd ee loo socday ina seejinayaan oo cadaab inala doonayaan xasad xagooda ahaaday dartii.

qodobka hore waa janaday inoo diidayaan oo cadaabtay inala doonayaan,ileen ilaahay wuxuu leeyahay hasoo dhimanina idinkoon islaam ahayn.dagaalku waa qodo dheer yahay maha meesha aad ka eegaysaan iyagu waa u diyaar oo way doorteen in ay galaan cadaab kolkaa adigay ku seejinayaan janada oo ku leeyihiin cadaabta nalasoogal.

2. qodobkan labaad markii ay kaa dhigaan diinlaawe iyo dhaqan laawe waxay sifudud gacanta uugu dhigayaan dalkaaga oo ay maamulanayaan say doonaan khayraadkaaga,maxaayeelay waxaa lagaa dilay diintaadii xaqa ku tusinaysay iyo dhaqankaagii markaa dareenkaaga iyo damiirkaagii iyo aqligaagii ayaa dhintay oo labadalay taa macnaheedu waxaa weeye majirayo qof iyaga difaaca oo dalka iyo diinta ka difaaca. markii diinlaawe meelkasta loo dhiibo oo madax kuunoqdaan waa intuu rabay oo dalka isaga iska maamulan.

Hadaba intan dawladnimadii laynaga burburiyay oo hada 30 sanadood maraysa,waxaa dalkeena soogalay 1991 ururo reer galbeed iyo yuhuudi wadaan oo dalkeena ka fuliya tashwiish galin diinteena iyo dhaqankeenaba. dhalinyarada ayay bartilmaansadeen iyo caruurta,waxayna dageen goobaha waxbarashada iyo ganaacsiga iyagoo maalgaliya, waxaa kaloo ay qabsadeen noockastoo saxaafada ah oo waxay ulabaxeen saxaafada xorta ah.Ururkan oo ah ururka diinlaawayaasha waxa uu mudo dheer kashaqaynaayay dalalka reer galbeedka oo waxaa ka calaacali jiray kaniisadaha qaarkood oo lahaa waa maxay diini majirto? aakhirkii kaniisadihii ileen awalba iimaan sax ah may haysanin ee waa iska aqbaleen diini majirto,iyagana kaniisadooda waa loo daayay si ay isaga caweeyaan dhexdeeda xooga guna ahna baadarigu u sii helo.

Gaaladu waa hore ayay ka ilbaxeen in qofka laga dhigo kiristaan,waxay wadaan waa diinba majirto iska nooloow. waxayna diidayaan tusaale qayb kamid ah in qofka muslimka ahi dareemo haday ugu yeeraan diintaada kasoobax islaamka ah oo taayada kiristanka sooraac,hadaba si aan loo fahmin hadafkoodu waa aan diinba iska dhigno meel aan nolasha wada riixno diintu waa dhib!!

boqolaal hay adood oo halmeel laga xukumo ayaa dalkeena ku hawlan,dibadaha dadka soomaalida ee kunool haydaa daba tagaan isla kuwan ah oo badalaaya diintooda kana dhigaaya in ay ku biiraan ururka balaaran ee diinlaawayaasha. hadaba dadka soomaaliyeed waxaa dhibkan keenay oo laynaga faa iidaystay markii laynaga burburiyay dawladnimadii. maxaayeelay hadaynu dawladnimadii haysan lahayn oo haba xumaatee dalku dawlad la haan lahaa majireen urur khaniisin ah oo kadhisan soomaaliya sida uu hada uuga dhisan yahay. xumaan bili aadan sameeyo nooc aan dalkeena la gayn oo aan kajirin majiro waxkastoo xumaan ah ayaa kasocda dalkeena waayo malaha dawlad.

Wadaad ina difaaci karaa majiro marxaladaan kusuganahay waayo inyar mooyee badankooda ayaaba lasiiyaa lacag oo lagu shaqeeyaa muxuu difaaci,?wadaadku khaniiskii wuu arkaa,daroogadii wuu arkaa,khamaradii,naag naag baan qabaa leh,diinlawaayasha,markaad dhab uugu fiirsato wadaadku eed malaha waayo dawlad malaha wadaadku isaga difaacda sidaa daraadeed markuu dawlad heluu dadka xumaha ka reebi karaa si cad oo dhab ah.halkaa waxaan kaatusayaa wadaadkii fiicnaa waxba maqaban karo waxa dalkeena kasocdana raali kama aha halkaa ka garo in waxa kaliya ee inagoo dhan aan ku badbaadi karaa in ay tahay dawlad xoogleh oo aan helo kolkaa waa waajib in qofkastaa taageero dawladnimo soomaaliyeed,haba xumaatee majirto wax dawladnimo loo dhigaa. hadii aan lahelin dawlad xoogleh oo aynu iska diidno dawlad nimo iyo in aan hada taageero oo dhisano dawladaan jirta waxaan ku dhacaynaa dabinkii shisheeye inoo dhigay oo ah in diinta iyo dhaqanka laynaga kaxeeyo dalkana dhaqaalihiisa shisheeye maamusho.

Aanku mintidno dawladnimo oo u dhimano ileen laynooma ogolee,markaas ayaan qabqabanaynaa oo tiirka taagaynaa diinlawaayasha iyo kuwa faafiya iyo boqolaalka hay adood ee inaburburinaaya.hargaysa diinlaawahaa lagu faafiyaa,puntland sidoo kale,jubaland,hirshabeele,galmudug,koonfurgalbeed sidookale,waxaa lamid ah daroogada oo intaba laguna beero lagana dhoofiyo.dhalinyaradii waa baabaday dhanwalba maxaayeelay malaha dawlad difaacda.