“Burco Laba Maayir ayay yeelanaysaa” Maayarkii hore ee Burco

Burco-(Berberanews)-Maayirkii Hore ee Degmada Burco Maxamed Muraad ayaa Dhaliilo culus usoo jeediyay Maayirka degmada Burco Cabdirisaaq ibraahim cabdi oo uu ku eedeeyay inuu tirtirayo waxqabadkii Golihii hore.

“Burco Laba Maayir ayay yeelanaysaa haduu sidan ka dayn waayo Magaalada Inanka yari, sidii Qadaafi ayaa loogu galayaa meesha” ayuu yidhi Muraad.

Maayarkii hore ee Burco

Dadwaynaha degmada burco ayaa ka gadooday dhir golihii deegaanka ee hore ku beereen Wadooyinka burco oo dawladda hoose ee Burco bilawday googoogayntooda,
Waxaana isla goobtaasi soo gaadhay duqii hore ee degmada burco Maxamed muraad oo is hortaagay jaridda dhirtaasi isagoo dhaliilo huwiyay maayirka degmada burco isagoo sheegay inuu beegsanayo waxqabadkii golihii deegaanka Burco.

“Anagu maanaan arag masuuliyad sheegaysa in la jaro geedka bilicda iyo quruxdeeda soo saaraya Magaalada,
Danbiga geedkaasi galay waa ina muraadbaa beeray”

Berberanews.com
Info@berberanews.com