Shacab iyo askar badan oo ku dhaawacmay dibadbaxyo gilgilay caasimadda Sudan

Khartuum  -(Berberanews)- Masuuliyiinta Sudan ayaa sheegay in konton iyo siddeed booliis ah ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada dimoqraadiyadda doonka ah ee lagaga soo horjeeday xukunka millatariga Sabtidii shalay.
Waxa ay intaas ku dareen in dad ka badan boqol qof lagu xidhay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, kuwaas oo sida ay masuuliyiintaasi sheegeen sharciga la horgayn doono.
Urur ay ku midaysan yihiin dhakhaatiirta Sudan oo isbahaysi la leh dhaqdhaqaaqyada dimoqraadiyad doonka ayaa ciidammada ammaanka ku eedeeyey in ay adeegsanayaan xoog xad dhaaf ah oo ka dhan dadka dibadbaxyada dhigaya.
Waxa ay sheegtay in ugu yaraan boqol iyo toddobaatan iyo siddeed qof oo mudaaharaadayaal ah ay dhaawacmeen – qaarkood waxaa ku dhacay rasaas nool oo ay fureen ciidammada ammaanku.
Kumannaan dibadbaxayaal ah oo lulaya calanka dalkaas, kuna qeylinayay erayo ka dhan ah millateriga ayaa markii labaad toddobaad gudihii ku  dhawaaday madaxtooyada dalkaas looga arrimiyo.