Muqdisho-(Berberanews)-Wareegto uu soo saaray hadda Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayuu wasiirka gaashaandhigga ugu magacaabay mudane Cabdilqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac), oo horay u ahaa wasiirka caddaaladda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale mudane Xasan Xuseen Xaaji, oo horay ahaa wasiirka gaashaandhigga u magacaabay wasiirka wasaaradda Cmcaddaaladda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.