Mudane Guurtida ah oo Xukuumadda Somaliland ka codsaday in ay ku taageerto Ururka USP

Hargeysa –(Berberanews)-Xildhibaa Axmed Nuur Aw Cali Aadan, kana mida mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka codsaday xukuumadda inay ka taageerto furitaanka urur siyaasadeed la yidhaa USP, kaas oo uu sheegay in uu ictiraafka Somaliland wax badan ka tari doono.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in aanay wax qurux badan ahayn in kaliya ay cid gaar ahi isku koobto ururrada siyaasadda ee dalka.

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Ictiraafka waxaad mooddaa in hadda xagga Somaliland loo soo jeedo, balse hawl badan oo dalka gudihiisa ku xidhan ayaa dhiman, taasi oo ah in hore loo mariyo Dimuquraadiyadda.

Waxaan soo jeedin lahaa in dawladdu nagu taageerto ururka USP ah, kaas oo wax badan ka taraya Ictiraafkeenna, waa in waliba beesha dhexe ku taageerta in urur la furo oo aanu guddoomiye ka noqo, wax badan ayey ka taraysaa ictiraafka, haddii beesha dhexe isku koobto guddoomiyayaasha waxa ay ragaadinaysaa ictiraafkeenna.”
Codsiga mudanaha Golaha Guurtida ayaa ku beegmaya xilli la isku maandhaafsan yahay suurtogalnimada xeerka ururrada ee Xeer No. 14.

Berberanews.com
Info@berberanews.com