Mucaaradka Sudan oo qorshaynaya dibadbaxyo lagu go’doominayo qasriga madaxtooyada Khartuum

Khartuum -(Berberanews)-Xoogagga siyaasadda ee dalka Sudan, ayaa qorsheynaya abaabulka dibadbaxyo cusub oo lagu go’doominayo qasriga Madaxtooyada ee magaalada Khartuum saacadaha soo socda, si ay u dalbadaan in xukunka lagu wareejiyo dad rayid ah, sida ay tabinayaan warbaahinta maxalliga ah.
Maamulka millatariga ee Sudan, ayaa xidhay buundooyinka muhiimka ah iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada Khartoum, tan iyo habeenkii Jimcaha, iyadoo ay joogaan jidadka ilaalo xooggan, halka gebi ahaanba la jaray adeeggii Internet-ka subaxnimadii hore ee maanta.
Xarunta madaxtooyada, xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa la geeyey ciidammo aad u fara badan, iyagoo guddiyada wax iska caabbinta qaarkood ay ku baaqeen in la go’doomiyo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Khartuum.
Xoogagga xoreynta iyo isbeddelka hoggaankooda golaha dhexe, ayaa ku dhawaaqey inay ka mid noqonayaan dadka sameynaya isu soo baxa socodka ah.
Tan iyo markii Taliyaha Ciidammada Sudan Jeneraal Cabdulfataax Al-Burhan uu ku dhawaaqey 25-kii bishii October ee la soo dhaafay xaalad degdeg ah iyo kala diristii Golaha Qaranka iyo golihii wasiirrada waxa dalkaas ka taagan jahwareer baahsan.
Dalka Sudan waxa ka dhacey qalalaase siyaasadeed oo ba’an, iyadoo ay jireen dibadbaxyo is daba joog ah dadweyne oo lagu diidayo arrimahaas go’aannadaas.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatey labadii maalmood ee lasoo dhaafey, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk uu ku hanjabay inuu is casili doono, isla markaana dib ugu noqon doono xilkiisa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com