Maamulka Farmaajo xidhay Terminaalka Madaarka Muqdisho

Waxaa isticmaalayay diyaaradaha UN, diblomaasiyiinta reer Galbeedka iyo AMISOM

Muqdisho-(Berberanews)-Dawladda Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba albaabada u laabtay Terminalka Movcon ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay isticmaalaan hay’addaha Qarammada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha dalalka reer Galbeedka ee ku sugan Xamar.
Go’aankan oo lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, laguna faafiyey mareegta internetka, ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe si buuxda loo hakiyey dhammaan duullimaadyadii isticmaali jiray teerminaalkaas.
Dhammaan duullimaadyada dalka ka baxaya iyo kuwa soo galaya, ayaa la faray inay isticmaalaan oo keliya Terminaallada qaybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da ee Madaarka Muqdisho.

Lama oga waqtiga uu qaadan doono go’aankan oo la filayo inuu saamayn weyn ku yeesho safarrada dhinacyada caalamiga ah ee uu khuseeyo.

Go’aanka ayaa lagu wargaliyey shirkadda Favori ee maamusha Madaarka Aadan Cadde, ciidammada booliska, NISA iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee ka hawlgala garoonka.

Waa markii ugu horraysay ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya ay qaadato go’aan noocan oo kale ah, iyadoo tallaabadani ku soo beegantay xilli uu jiro mad madow soo kala dhex galay maamulka Muqdisho iyo AMISOM, kaasoo salka ku haya mustaqbalka hawlgalka Midowga Afrika.

Berberanews.com
Info@berberanews.com