Khilaaf ka dhex Qarxay Golaha Degaanka Burco iyo eedaymo loo jeediyey Maayir Hero

Burco -(Berberanews)-Khilaaf culus ka dhex qarxay Golaha Degaanka Degmada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Fadhi ay isugu yimaaddeen xildhibaannada Golaha Degaanka Burco saaka, ayaa burburay, kadib markii xubno ka mid ah goluhu eedaymo kala duwan u jeediyeen Maayirka.
Qaar ka mid ah xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay kalfadhiga ka baxeen 7 mudane, waxa ay ku eedeeyeen Maayir Hero inuu ku kacay qodobbo ay ka mid yihiin:
1. Xeer-jabin
2. Awood-maroorsi
3. Ku-tagri’fal hantiyeed.
4. Maayir-ku’xigeenka oo awoodihiisii maamul iyo saxeexyadiisii la joojiyey.
5. Lacago sharci-darro ah oo uu dayn ahaan u qaatay, isla markaana aannu Golaha Degaanku iyo weliba arrimo kale.
Waxa kaloo xildhibaannadu sheegeen inay dacwad ka dhan ah Maayirka Burco u gudbin doonaan Badhasaabka Togdheer,  Maxkamadda Gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.