Dawladda Itoobiya oo ku faantay inay Dharbaaxo culus ku dhufatay TPLF

ADDIS ABABA —(Berberanews)- Dawladda Itoobiya, ayaa ku faantay in ciidankeedu dhirbaaxo kulul ku dhufteen xoogagga TPLF ee dagaalka kula jira muddada sannadka ka badan.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in ciidammadeedu aanay gali doonin Gobolka Tigray, kadib markii xoogga Tigreegu ay dib ugu gurteen gobolkaas toddobaadkan, waxaanay falanqeeyayaashu sheegayaan in labada dhinac muujinayaan in ay jiri karto daaqad xabbad-joojin ah.
Wasiirka Isgaadhsiinta Dawladda Itoobiya, Legesse Tulu, ayaa ku dhawaaqay in hakadka ciidammada Itoobiya uu yahay badbaadada wax uu ugu yeedhay naf hurnimo dheeraad ah iyo in laga fogaado eedeymo kale oo gabboodfallo ah.
Tulu ayaa sheegay in Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) – ay ku dhufteen dharbaaxo xoog leh.
Waxa uu intaa ku daray in ciidammada difaaca ee Itoobiya ay dib u soo ceshadeen gacan ku heynta bariga Axmaarada iyo qaybo ka mid ah Canfarta, lagu amray in ay ku sugnaadaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin.
Hakadka ciid8mada Itoobiya ayaa yimi markii xoogagga Tigray-ga ay ku dhawaaqeen inay ka baxayaan gobollada deriska la ah Isniintii toddobaadkan, si ay ugu gogol xaadhaan nabadda, kadib warqad ay u direen Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Waraaqda ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee dib u gurashada ciidankooda ay tahay in shacabka Tigreega ay dhibbaneyaal u yihiin dagaalka socda 13-ka bilood.
Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah (IGC), ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in labada dhinacba ay tahay inay xabbad-joojinta u adeegsan fursad wadahadal.
“Fursaddani runtii…waa fursad naadir ah, si ay dhinacyadu u helaan waddo wadahadal,” ayuu yidhi Murithi Mutiga, oo ah madaxa ICG ee Geeska Afrika.
“Waa arrin dhiirri-gelin ah in ciidamada Tigray-gu ay u arkaan in aanay mar dambe isku dayi karin cadaadis ay saaraan Addis Ababa; laakiin sidoo kale waxay dhiirri-gelinaysaa in masuuliyiintu dhinaca dawladdu go’aansadeen inay joojiyaan guulaha ay ka gaadheen dagaalka oo aanay u dhaqaajin Tigray,” ayuu raaciyey Mutiga.