Dagaal-diimeed ka dhana Muslimiinta Hindiya oo cirka isku shareeray

India-(Berberanews)-Booliska gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya ayaa bilaabay baadhitaan kadib markii hogaamiyayaasha Hinduuga ay ku baaqeen in la dhibaateeyo Muslimiinta.

Muuqaalo laga soo duubay kulan ay lahaayeen hogaamiyayaasha diinta Hinduuga oo muujinaya khudbado kicin ah ayaa baahay todobaadkan horaantiisii, taasoo dhalisay cadho.

Munaasabadan ayaa ka dhacday magaalada barakeysan ee Haridwar intii u dhaxeysay 17 iyo 19 December.

Ma jirto cid loo soo qabtay, waxaana kiiska booliisku uu magacaabay hal nin oo kaliya – Waseem Rizvi, oo ah nin Muslim ah oo sheegay in uu qaatay diinta Hinduuga, waxaana hadda loo yaqaan Jitendra Narayan Tyagi.

India religious

Booliiska ayaa sheegay in kiis la diiwaan galiyay oo ka dhan ah Mr Tyagi iyo kuwa kale oo aan la magacaabin oo lagu eedeeyay “in ay kor u qaadaan nacaybka u dhexeeya kooxaha diimaha”.

Dadka Isticmaalay baraha bulshada, si kastaba ha ahaatee, waxay aqoonsadeen qaar badan oo ka mid ah kuwa ka hadlay fiidiyowyada kuwaas oo ah hoggaamiye diimeedyo muhiim ah oo inta badan lagu dhex arko wasiirada iyo xubno ka socda Xisbiga Bharatiya Janata ee Ra’iisul Wasaare Narendra Modi (BJP).

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sheegay in inta jeer ee dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta iyo dadka laga tirada badan yahay ay kordheen tan iyo 2014, markii ugu horeysay ee BJP ay xukunka la wareegeen.

Fiidiyowyada hadallada nacaybka ah ama rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta ayaa si joogto ah ugu faafa gudaha Hindiya.

Dadka dhaleeceeya waxay ku andacoonayaan in tani ay sabab u tahay taageerada – furfuran iyo indho-l’aan – oo ay dembiilayaashu ka helaan madaxda xisbiga talada haya.

Mid ka mid ah qabanqaabiyaha xaflada Haridwar, Prabodhanand Giri, ayaa inta badan lala sawiray madaxda xisbiga, sida uu sheegay NDTV. Hal sawir, madaxa Uttarakhand Pushkar Dhami, oo ah siyaasi BJP, ayaa lagu arkay isagoo cagihiisa taabanaya. Munaasabadda, ayaa waxaa lagu arkayay Mr Giri oo weydiistay ciidamada India, siyaasiyiinta iyo Hinduuga in ay sameeyaan waxa laga sameeyay Myanmar – isaga oo ula jeeday dhibaatada dhimashada badan ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee horseeday in ay isaga baxaan.
Waxa uu u sheegay NDTV in aanu ka baqayn booliiska oo uu ku adkaystay hadalkiisa.
Berberanews.com
Info@berberanews.com