Waa sidee xaaladda Caafimaad ee Halyeygii Brazil Pele?

Ciyaaro-(Berberanews)-Halyeyga Brazil Pele ayaa laga saaray cisbitaalka kadib markii laga daweeyay burada mindhicirka.

Pele oo Ku guuleystay saddexda jeer Koobka Adduunka, oo 81 jir ah, ayaa bishii Sebtembar lagu sameeyay qalliin looga saaray buro, iyadoo isbitaalka uu xilligaas sheegay inuu sidoo kale u baahnaan doono in lagu sameeyo kiimoterabi.

Cisbitaalka Sao Paulo Albert Einstein ayaa sheegay in Pele uu “deggan yahay” oo uu “sii wadi doono daawaynta”.

Pele waa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Brazil isagoo dhaliyay 77 gool 92 kulan oo uu ciyaaray.
Waxa lagu daweynayay cusbitaalka ilaa 31kii Ogosto ka dib markii buro lagu ogaaday baadhitaano caadi ah.

Caafimaadka Pele ayaa walaac laga muujinayay sanadihii ugu dambeeyay. Waxaa lagu sameeyay qaliin qanjidhka ‘prostate’ sanadkii 2015 ka dib markii la dhigay isbitaalka markii labaad muddo lix bilood ah, waxaana uu mar kale dib ugu soo laabtay caabuqa kaadi mareenka 2019.

Weeraryahankii hore ayaa ka mid ah afar ciyaaryahan oo kaliya ee dhaliyay afar  koob oo koobka adduunka ah.