“Madaxweyne dawladdnimada ha innaga dumin” Xoghayaha Waddani

Hargeysa-(Berberanews)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen  Cabdi, ayaa qoraalkan kooban soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.

Waxaanu yidhi.”Suurta gal noqon mayso in shuruucda waddanka lagu tunto si kursiga loo sii fadhiyo.

Madaxwayne shacbigii shalay sad bursiga iyo cadaaladdarada aad samaysay ee xilalkii Qaranka aad sidaad og’tahay u qaybisay kuugu dul qaatay maanta waan iska sii fadhiyayaa, xisbiyadiina waan baabiinayaa, kaa yaali maayaan ee dawladdnimada ha innaga dumin”