Iran ma waxay isu diyaarinaysaa dagaalka Israel?

Iran-(Berberanews)-Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa riday 16 gantaal oo ah gantaalaha ballistic-ga ah xilli uu soo xidhmay dhoolatus milateri oo shan maalmood kuwaas oo Jeneraalladu ay sheegeen in ay digniin u ahaayeen cadowga weyn ee Israa’iil.

Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa Jimcihii sheegtay magacyada gantaallada la riday intii uu socday dhoolatuska milateri ee koonfurta dalkaasi ay kala ahaayeen Emad, Ghadr, Sejjil, Zalzal, Dezful iyo Zolfaghar, waxaana lagu sheegay in cabbirkoodu uu kala duwan yahay inta u dhaxaysa 350km iyo 2,000km (220-1,250 miles). )

Waxa ay sheegtay in gantaalada ay si guul ah u dheceen hal bartilmaameed isla markaana ay 10 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ay isku mar garaaceen bartilmaameedyadooda.

TV-ga qaranka ayaa soo bandhigay gantaalo ku soo dhacaya saxaraha. “Dhoolatuskan waxaa loogu talagalay in looga jawaabo hanjabaado maalmihii la soo dhaafay uga imaanayay maamulka Sahyuuniyadda,” Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Iran Major General Mohammad Bagheri ayaa u sheegay telefishinka dowladda.

“Lix iyo toban gantaal ayaa beegsaday oo baabi’iyay badhtilmaameedkii la doortay. Dhoolatuskan, waxa la geeyay qayb ka mid ah boqollaal gantaallo Iran ah oo awood u leh inay burburiyaan waddan ku dhiirrada inay weeraraan Iran,” ayuu hadalkiisa ku daray.