Hargeysa: magaalo ka da’a weyn King Ramses II

▪︎ Sawirka hoose waa dhagax ay ku sawirantahay Ramesses II, oo uu helay nin geel-jire ahaa oo lugaynaayay duleedka Hargeisa▪︎

King Ramses II

Dhawaan ayaa nin reer miyi ah oo maraya meel u dhaw Naasa-Hablood uu helay dhagax la qoray oo ay ku sawirantahay Ramesses II, oo ahayd xaaska King Ramses II, oo ahaa boqorkii dagaalka ku hayay Nabi Muse ( AS ).

Hargeisa, oo ah halka ninkaas uu lugaynaayay ayaa ah magaalo ku taala buuraha gaagaaban ee Galgodan ( Guban ),waxa ayna badda ka saraysaa joog ah 4377 feet ama ( 1,334 metres ).

Lord Delamere, ayaa waxa uu Hargeisa ka dhistay guri yar sanadkii 1891.

1885, waxa deegaamo waaweyn ka bilaabay Hargeisa,Sheekh  Madar, waxana sidoo kale deegaamo kale ka hirgaliyey Sultan Diriye sanadkii 1899, laakiin labada ninba kama ay warbixinin dadkii asal ahaan deganaa Hargeisa iyo nawaaxigeeda 1000 sano ka hor inta aanay soo dagin magaalada.

Hargeisa acient

Norman Bennett oo ah taariikhyahan Maraykan ah ayaa buugiisa uu kaga hadlayo taariikhda Hargeisa, ku sheegay in Hargeisa ay ka da’weyntahay King Ramses II, ayna jirtay in ka badan 8000 oo sano taariikhda Nabi Muse ( AS ) ka hor, hase yeeshee ay kolba dib loo burburibaayay, iyada oo ay deganaayeen qabaa’ilo aan heshiis ahayn.

WQ Axmed Adan