Xirsi oo Madaxweyne Biixi ku tilmaamay inuu ku dawakhay hoggaaminta qaranka

Hargeysa  -(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa jawaab ka bixiyey dhawaaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku sheegay inay furan yihiin ururrada siyaasadda, kaas oo ay si adag  uga horyimaaddeen labada xisbi mucaarad.
Qoraal Guddoomiye Xirsi uu ku baahiyey boggiisa mareegta Facebook galabta, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:
“Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii ummaddu ku heshiisay, ee isaga laga doonayey inuu ilaaliyo oo uu dhawro. Hadalkiisii shalay iyo kii uu u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta, labaduba waxa ay daliil u yihiin in Madaxweynuhu meel iska saaray sharcigii dalka ee uu Madaxweynaha ku ahaa, isaga oo doonistiisa shaqsiga ah ka doorbiday ilaalinta sharciga dalka.
Madaxweynuhu sida aynu ognahay wuxuu ku ololeeyey sarreynta sharciga, balse 4 sanno oo uu joogay waxa uu caado ka dhigtay ku tumashada sharciga iyo faro-gelinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Madaxweynuhu waxa uu farriin faro-gelin qaawan ku ah Golaha Wakiillada u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta, kaas oo warbaahinta si cad uga sheegay isaga oo ku hadlaya afka Madaxweynaha inuu dhaqangal yahay wax-ka-beddelka iyo kaabista  xeerka nidaamka Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka oo Golaha Wakiillada horyaalla, taasina waxa ay ka soo horjeeddaa qodobka 37aad ee Dastuurka Somaliland oo caddaynaya kala madax-bannaanaanta hay’adaha Qaranka.
Haddana, Madaxweynuhu waxa uu markale ka hadlay Xeer 14, oo weli horyaalla Golaha Wakiillada, isaga oo sheegay inuu isagu saxeexay Xeerkaasi, balse Golaha Wakiillada waxa horyaalla Xeerka uu Madaxweynuhu leeyahay waan saxeexay oo uu isagu ku soo celiyey Golahaasi, isaga oo soo raaciyey soojeedin la xidhiidha in ay wax ka beddelaan qodob Xeerkaasi ku jira oo Dastuurka ka horimanaya. Haddaba, waa yaabe ma laba Madaxwayne ayaa dalka ka jira? Mid xeerka saxeexay iyo mid Golaha Wakiillada ku soo celiyey!
Markaa Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa inuu ku dawakhay hoggaamintii dalka, taladii sharci-yaqaannadana aannu qaadanayn.
Mudane Madaxweyne, dalka fawdo ha gelin, inaad xeerkii ku hor yaallay aad Golaha Wakiillada ku soo celisaa waa awood aad leedahay, hase yeeshee inaad ka daba timaaddo awood uma lihide waa fawdo, waa jaah-wareer kaa muuqda inaanad fahamsanayn xeerarka iyo dastuurka ama aanad dan ka lahayn.”
“Madaxwayne, shacbigan sicir-bararka iyo abaaruhu ku habsadeen ayaa ku sugaye e, intaad yooyootanka ka baxdo dadkaaga u shaqee, doorasho Madaxwaynena ka shaqee, haddii aad fawdo ku sii socoto dalkani halis buu gelayaa ee masuuliyadda fawdadaas ka dhalata u diyaargarow,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI.

Berberanews.com
Info@berberanews.com