Herman J.Cohen oo sheegay in la calaamidayay baahida aqoonsiga Somaliland

Herman J.Cohen oo ahaa Xoghayahii Hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, ahaana safiirka u joogay Maraykanka Addis Ababa, ayaa saacad ka hor, isaga oo jooga New York sheegay in Maraykanka ay u xariiqantahay ama u calaamadsantahay madaxbanaani la siiyo Somaliland.

Sidoo kale, Herman Cohen waxa uu cadeeyey in dastuurka dadka Somaliland uu yahay mid ka duwan dastuurka dadka ku nool Soomaaliya.

Herman Cohen oo wakhtigan khudbadaha khuseeya siyaasada caalamka ka jeediya Jaamacada Johns Hopkins, ayaa sheegay hadalkan hoose:

” Booqashada Koongreeska Maraykanka ay ku yimaadeen Somaliland, waxa uu hoosta ka calaamadinayaa baahida markaas loo qabo maqaam madaxbanaan oo markaas la siiyo dadka Somaliland oo aan markaa la dastuur ahayn dadka ku nool Soomaaliya”.

Dibloomaasi Herman Cohen  waxa uu qeexay baahida lo qabo dhulka istiraatiijiga ah ee Somaliland.

Hadalka Herman J.Cohen ayaa imanaya wakhti ay aad isu soo tarayso siyaasada Maraykanka ee khuseeya rabitaanka shacabka Somaliland.

Herman Cohen waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ay aadka u ixtiraamaan siyaasiyiinta sare ee Maraykanka ee ka tirsan xisbiyada dimuqraadiga iyo jamhuurigaba.

Xuquuqda qoraalka Axmed Aadan