Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa, uguna cuslaa oo dib uga qarxay Boosaaso

BOOSAASO —(Berberanews)-Dagaal aad u culus oo sababay khasaare weyn, ayaa si kedis ah uga bilaabmay magaalada  Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland saqdii dhexe ee xalay.
Boosaaso waxa waagu ugu ugu beryey sawaxanka rasaasta ka dhacaysay hubka culus, waxana meesha ka baxday xabbad-joojin ay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo ku baaqeen shalay.
Dagaal aad u culus oo u dhexeeya ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo ciidanka la-dagaallanka argagixisada PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano, isla markaana socday saacado badan, ayaa abbaaro 11:45 habeenimo ee xalay dib uga bilaabmay magaalada Boosaaso.
Dagaalka oo geystay khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa la sheegay inuu iskii isu taagay 7:00 subaxnimo ee saaka.
Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay inuu mid aad uga xoog weynaa kuwii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalo-xeebeedda Boosaaso, waxayna labada dhinac isu adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Dhawaaqa iyo sawaxanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa xalay oo dhan laga maqlayey gudaha Boosaaso, kuwaasoo hurdada u diiday dadweynaha ku dhaqan magaaladaas.
Wararka laga helay goobaha xoogga loogu dagaallamay, ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay dagaalka saaka dib uga qarxay caafimaadka, waxaanay tirada dhimashadu maraysaa 19 qof iyo ku dhawaad 80 qof oo dhaawac ah oo isugu jira askar iyo shacab sida ay VOA u xaqiijiyeen shaqaalaha goobaha caafimaadka Boosaaso.
Dadweynaha ku dhaqan Boosaaso ayaa bilaabay inay si xawli ah uga barakacaan guryahooda, halka qaar ka mid dadka ku hadhay daha magaalada ay sheegayaan inay ka go’een biyaha iyo korontada.
Waxa jira hoobiyaal ku dhacay guryo ka mid ah xaafadaha Boosaaso oo ay dad ku dhinteen.
Dhinaca kale, qoraal maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Puntland ayaa lagu eedeeyey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu hurinayo colaadda ka aloosan magaaladda Boosaaso, balse waxa dhinaca kale lagu sheegay in maamulka Garoowe uu waqti siinayo dadaallada loogu jiro sugidda nabaddelyada iyo si nabad ah ay u qabsoonto xilwareejintii uu madaxweynaha Puntland ugu magacaabay agaasimaha hay’adda PSF Sarreeye Guuto Aamiin Xaaji Kheyr.
Sidoo kale, qoraal dhinaca ciidammada PSF ka soo baxay waxay eedeyn ugu jeediyeen xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirrada maamulka Puntland ee ku sugan Boosaaso inay sii hurinayaan colaadda iyo barakicinta shacabka.
Qoraalka PSF ayaa lagu sheegay in ku sugan yihiin xaruntoodii, ayna is difaacayaan.
Shalay ayey ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku baaqay in xabbada la joojiyo, waxana jiray Isimo iyo waxgard kale oo dhexda u xidhay inay joojiyaan dagaal dambe oo ka dhaca magaalada, iyadoo maamulka Puntland uu markale sheegay in ay wadahadallada nabaddu sii socdaan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com