Cirro oo ku hanjabay in Somaliland madaxweyneyaal badan yeelan doonto

Hargeysa  -(Berberanews)-Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay in dalka Somaliland yeelan doono madaxweynayaal badan haddii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu doorashada madaxtooyada ku qaban waayo wsqtigeeda oo ku beegan 13 November 2022.
Md. Cirro oo hadal u jeediyey boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa WADDANI oo ku soo dhoweeyey Madaarka Cigaal ee  caasimadda Hargeysa oo uu ka soo degay gelinkii hore ee maanta, waxa uu sheegay in aanay xisbiyada mucaaradku sinaba u aqbali doonin in ururrada siyaasadda la furo ka hor doorashada madaxweynaha.
Waxa uu intaas ku daray in xisbigiisu aannu aqoonsanaan doonin haddii madaxweyne Biixi doorashada madaxweynaha waqtigeeda ku qaban waayo, wuxuuna ku hanjabay inuu isugu madaxweyne isu caleema saari doono.
“Madaxweyne Muuse u aqoonsan mayno madaxweyne marka uu dhammaysto muddo xileedkiisa dasruuriga ah, haddii aan doorasho la qaban. Maalin dhoweyd waxaad maqlayseen xukuumadda oo tidhi ururradu way iska furan yihiin, annaguna waxaannu leenahay madaxweynayaashuna way iska furnaan doonaan,” ayuu yidhi Cirro.
Hase yeeshee, Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu ku dooday in aanay xisbiyada mucaaradku  diiddanayn furista ururrada siyaasadda, balse keliya ay rabaan in doorashada madaxweynaha la soo horreysiiyo.
“Waxaan halkan idiinka caddaynayaa in xisbiga WADDANI iyo xisbiga kale ee UCID midkoodna aannu ka soo horjeedin furista ururrada siyaasadda, cuqdadna ka qabin, aqbali dooninna wax aan xeer jidayn. Doorashooyinka waxa loo soo kala horreysiinayaa siday u kala horreeyaan.”

“Doorashada waa in waqtgeeda lagu qabtaa. Yeeli mayno in saacad lagu daro. Tartanka ururrada diyaar baannu u nahay marka ay dhammaato muddada xeerku siiyey jiritaanka axsaabta qaranka,” ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku gacan saydhay furista ururrada siyaasadda, waxana jira siyaasiyiin badan oo iyagu dhankooda doonaya in la furo, sidoo kalena 46 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dabada ka riixaya furista dhaqangalnimada xeerka ururrada siyaasadda..

Berberanews.com
Info@berberanews.com