Taliska PSF: “Waxaan dagaal kula jirnaa dad argigxisada ka tirsanaa oo xasaanad dawladdeed ku gabbanaya”

Boosaaso -(Berberanews)-Taliska ciidanka PSF, ayaa ku eedeeyey maamulka Puntland inuu masuul ka yahay dagaalka labada casho ka socda magaalada Boosaaso, waxayna xuseen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada  iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee PSF, ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu diiday gartii iyo go’aamadii ka soo baxay Isimada dhaqanka ee degaanka.
Taliska PSF waxa uu sheegay in ay dagaal kula jiraan dad argigixisada ka tirsan oo ku gabbanaya xasaanad dawladdeed.
“Waxaan dagaal kula jirnaa dad argigxisada katirsanaa oo xasaanad dowladdeed ku gabbanaya.”
Waxa kaloo sheegeen in ay mar walba u taagan yihiin difaaca nabadda Puntland iyo la dagaallanka argigixisada.
Agaasimihii ciidanka PSF, Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa yidhi; “Waxaan ku jirnaa dagaal iyo is difaac. Dalkan waan u soo dagaallanay, mana doonayno in aan hubkayaga aan u isticmaalno ciidammadaya la soo khalday.”
Warka ka soo baxay ciidanka PSF ayaa imanaya, iyadoo Wasiirka Amniga maamul-goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan uu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu dhammaynayo colaadda magaalada Boosaaso oo inta la xaqiijiyey ay ku dhinteen dad ku dhow 20 qof, halka in ka badan boqol kalena ku dhaawacmeen.

Berberanews.com
Info@berberanews.com