Taageerayaash WADDANI oo loogu baaqay inay cudud weyn ku soo dhoweeyaan murashax Cirro

Hargeysa-(Berberanews)-Taageerayaasha Waddani, ayaa loogu baaqay inay cudud taageero oo weyn kusoo dhaweeyaan musharraxa Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo imanaya Hargeysa berri.

“Guddida qaban-qaabada soo dhaweynta Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, oo uu magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane’ Hersi Ali H Hassan ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda, hoggaanka, fulinta, garabyada iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani in ay berrito si weyn u soo dhoweeyaan Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga. Guddida qabanqaabada oo ku hadashay xarunta Xisbiga ayaa yidhi: “Berrito waxa dalka imanaya Murrashaxa Xisbiga. Waa maalin weyn, cududeenna iyo codkeenna aynu ku muujinno Madaarka Hargeysa.”
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

Berberanewa.com
Info@berberanews.com