Puntland oo ku dhawaaqday xabbad-joojin ka hirgasha Boosaaso, kadib markii uu dagaalka PSF ku guuldarraystay

BOOSAASO —(Berberanews)- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin ka dhaqangasha magaalada Boosaaso oo tan iyo shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidammada maamulka iyo kuwa gaarka ah ee PSF.
Dagaalladan ayey ku dhinteen in ka badan 14 qof, iyo tobannaan kale oo ku dhaawacantay, waxana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood.
Xabbad-joojinta waxa ku dhawaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso.
Dhinaca kale, taliska PSF oo soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar lagu soo qaaday, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada bulshada soo gaadhay.
Dagaalka ayaa dhacay kadib muran socday muddo toddodbaadyo ah oo u dhexeeyey maamulka iyo taliska PSF.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano oo isagu ka soo horjeestay tallaabadaas.

Berberanews.com
Info@berberanews.com