Somalia: Wararkii ugu dambeeyey Dagaal culus oo ka socda gudaha Boosaaso

BOOSAASO —(Berberanews)- Dagaal xooggan ayaa weli ka socda gudaha magaalo-xeebeedda Boosaaso, kaas oo u dhexeeya ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo ciidammada la dagaallanka argagixisada ee PSF, sida dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.
Dagaalka ayaa ka bilaabmay saaka agagaarka xarunta ciidanka PSF oo ku yaal woqooyiga xeebta magaalada Boosaaso, waxana ilaa hadda la maqlayaa rasaasta culus iyo duqayn ay is waydaarsanayaan labada ciidan oo in muddo ah is horfadhiyey.
Dagaalka ayaa yimi kadib muran tododbaadyo u dhexeeyey maamulka Puntland iyo taliska ciidammada PSF, kaas oo ka dhashay markii madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni uu xilka ka qaaday taliyaha ciidanka PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cusmaan Diyaano 24-kii Nofembar. Taliyaha ayaa diiday xil ka qaadistiisa, taasi oo keentay is horfadhi ka bilowda:y magaalada Boosaaso.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland, ayaa soo saaray go’aanno ay doonayaan inay ku xalliyaan khilaafka, iyaga oo ugu baaqay taliyaha inuu aqbalo xil ka qaadistiisa, halka ay ugu baaqeen maamulkana in ilaalo iyo xuquuq mushahar la siiyo ciidanka PSF.
Odayaasha dhaqanka, ayaa sidoo kale sheegay in hubka iyo guryaha iyo babauurta ciidanka PSF uu leeyahay taliyaha PSF taaasi oo uu mamaulka Puntland kasoo horjeestay.
Maamulka Garoowe ayaa sheegay in hubka ciidankaas uu yahay hanti qaran.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Boosaaso.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xalay ay xiisad bilaabantay saaka isku beddeshay gacan ka hadal.

Berberanews.com
Info@berberanews.com