Maxkamadda Sare ee Somaliland oo qabatay dacwad ay u gudbiyeen 46 xildhibaan

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ee Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa qabatay dacwad ay u gudbiyeen 46 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo dalbanaya in la dhaqan-geliyo xeerka furashada ururada siyaasadda oo buuq iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuray mudanayaasha mucaaradka iyo muxaafadka oo qaarkood isku farasaareen fadhigii ugu dambeeyey ee goluhu yeeshay toddobaadkii hore.