Madaxweynaha Ruushka oo digniin u diray Xulafada NATO

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dalalka reer Galbeedka ku eedeeyay inay sii huriyeen xiisadaha ka taagan Yurub, isagoo sheegay inay si khaldan u qiimeeyeen natiijada dagaalkii qaboobaa.

Isagoo la hadlayay saraakiisha sarsare ee militariga Salaasadii, Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu “si ku filan” uga jawaabi doono weerar kasta oo reer galbeedka ah, siina horumarin doonaan ciidankooda.

“Maxay NATO u balaadhiyeen oo ay uga tanaasuleen heshiisyadii difaaca gantaallada? Iyaga ayaa ku eedaysan waxa hadda dhacaya, xiisadaha ka soo baxaya Yurub,” ayuu yidhi Putin, isagoo ku celceliyay dalabkiisa dammaanad ee Mareykanka iyo xulafadiisa in NATO aanay ku fidi doonin bariga.

“Ka dib waxa loo arkay guushii ay ka gaadheen dagaalkii qaboobaa, xukunka Washington wuxuu mugdi galiyay farxad, ayuu yidhi, taas oo u horseeday doorashooyin siyaasadeed oo liita. Sida laga soo xigtay Washington, Ruushka ayaa tobanaan kun oo askari ku ururiyay xadka Ukraine.

Berberanews.com
Info@berberanews.com