Khasaaraha dagaal aad u culus oo ilaa hadda ka socda Boosaaso

Boosaaso  -(Berberanews)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal aad u culus, layskuna gabbal-dhacsaday oo ilaa hadda ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.
Dagaalka oo subaxnimadii hore ee saaka ka bilowday Boosaaso, ayaa u dhexeeya ciidammada ammaanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo ciidan daacad u ah taliyihii hore ee ciidammada PSF ee madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday.
Sida ay sheegeen dadka degaanka dagaalka ayaa dib uga bilaabmay gudaha iyo daafaha Boosaaso abbaaro 4:00  galabnimo ee maanta, iyadoo ilaa hadda la maqlayo dhawaqa hubka culus oo ka dhacaya duleedka magaalada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka shacabka ahi ay ka qaxeen xaafadaha magaalada qaarkood oo rasaasta ay dhinacyadu isku ridayaan hadhaysay.
Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka Boosaaso oo la isku habeensaday, balse wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare badan oo isugu jira naf iyo maalba.
Maamulka Puntland ayaa ciidamada PSF ee daacadda u ah taliyaha xilka laga qaaday ku eedeeyey in ay iyagu dagaalka bilaabeen.
Berberanews.com
Info@berberanewa.com