Israsaaseyn xooggan oo ka socota magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in israsaasayn xooggan laga maqlayay gudaha magaalada.

Ilo wareedyado ay BBC-da la hadashay ayaa sheegaya in ilaa xalay laga dareemayay magaalada dhaqdhaqaaqyo ciidan iyada dowlada ay ciidamo dhigtay xaafadda Ridwaan ee ay daganyihiin ciidamada PSF.

Dhaqdhaqaaqaasi ciidan ayaa saakay abaare 10-kii subaxnimo horseeday in dagaal ka dhex-qarxo labada dhinac. Waxaana la sheegaya in ilaa haatan goobtaas laga maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin ka soo baxayso khasaaraha dagaalka.

@Bbc Somali