Golaha Ammaanka oo saddex bilood ku kordhiyey hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya

NEW YORK —(Berberanews)-Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee dalka Soomaaliya, taas oo ah waqti siineysa wadahadalka dib u habaynta hawlgalkaas.
“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka March 2022,” ayaa lagu yidhi bayaan laga soo saaray kulan Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ka yeeshay xaaladda waddanka Soomaaliya maanta.
Bayaankan ayaa intaas sii raaciyey, “Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dawladaha ka qeybgalaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bani’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii 2568 (2021).”
Dhawaan dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, ayaa si weyn isugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo maamulka Muqdisho ku gacan-saydhay.
Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelinta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah mid dawladda Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, waxana dhowaan la hirgeliyey guddi ka kooban dawladda Federalka iyo maamul-gobolyeeyada, kaas oo qiimeyn ku sameynaya qorshahan.

Berberanews.com
Info@berberanewa.com